Wararkii Ugu Danbeeyey Xaaladda Mudaharaadka Somaliland.

Xaalada Somaliland.
Mudaharaadkii mucaaridka oo ka bilaabmay guud ahaan magaalooyinka Somaliland, shirkadaha isgaadhsiintana waxa lagu amray inay jaraan khadka internet-ka.
Sidoo kale saxaafadii madaxa banaanayd ayaan shaqaynayn, mida dawlada oo kaliya ee dawlada ayaana loo ogol yahay dhaqdhaqaaq.
Sidii caadada ahayd xukuumadu waxay xidhay guud ahaan wadooyinka magaalada Hargeysa, ciidanka milatariga ayaana la soo galiyey magaalada balse dibed baxayaashu waxay diideen in awood ciidan lagu hor istaago.
Hargeysa mudaharaadayaasha ayaa ciidanka kala kulmay rasaas nool oo loo adeegsaday balse dibed baxayaasha ayaa qarka u saaran inay la wareegaan saldhiga New Hargeysa, meelaha u dhaw tiyaatarka ayaanay isku baacsanayaan askarta iyo dadka mudaharaadayaasha ahi, waxaana shacabka loo isticmaalayaa suntan ilmada iyo rasaas nool.
Ilaa hada waxa la soo xaqiijinayaa inay jiraan dad ku dhintay rasaasta ciidanka magaalada hargeysa, caruur dhaawac oo rasaas nool lala dhacay ayaa iyaguna jira, gudoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Cumar Xamarji ayaana isaga oo dhaawac ah la xidhay ka dib markii gaadhigiisa lagu dhuftay gaadhi kale.
Burco ciidamada ayaa rasaas nool u adeegsaday mudaharaadayaasha, taas oo sababtay in ciidanku kala jabaan , wararku waxay sheegayaan in qaybo kamid ah milatarigu ay la safteen shacabka, ciidamada ayaana dhexdooda is rasaasaynaya.
Ceerigaabo wararku waxay sheegayaan in mudaharadayaashu ay xoraysteen badhtamaha magaalada, qaybo shacabka ka mid ah ayaana hubkooda la soo baxay ka dib markii rasaas nool loo adeegsaday.
Xaalada Awdal ilaa hada lama hayo wax ay ku sugan yihiin mudaradayaashu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker