Dagaalka Gaza: ninka 103 qof oo qoyskiisa ah ku waayey hal mar dagaalkan

Ahmad al-Ghuferi ayaa isagu ka badbaaday bamkii madhiyey qoyskiisa.

Markii 103 qof oo qaraabadiisa ah lagu dilay weerar lagu qaaday guri qoyskooda lahaa oo ku yaal magaalada Gaza, isagu waxa uu ku xayirnaa meel 50 mayl (80km) u jirta, oo ah magaalada Daanta Galbeed ku taal ee Jericho.

Ahmad waxa uu ka shaqaynayay dhisme ku yaal Tel Aviv markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar – waxa uu awoodi waayay in uu ku laabto xaaskiisa iyo saddexdiisii hablood, sababta oo ah dagaalkii lagu riiqday ee dhacay, iyo go’doomintii milatari ee Israa’iil.

Dadkii duqyntaa ku dhintay waxaa ka mid ahaa walaalihii, iyo qoysaskoodii hooyadii, eeddooyinkii, adeerradii iyo boqol kale oo ay si uun qaraabo dhaw u ahaayeen.

Waxa uu BBC-da u sheegay in meel uu noqdo iyo cid uu ciirsi weydiistaana aanay jirin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker