Ruushka oo sheegay in ay jirto khatar amni kadib weerar lagu qaaday Moscow

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay iska caddahay in khatar ay jirto kadib weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday magaalada Moscow, marki labaad saddex maalmo gudahood.Duqeynta ayaa lagu garaacay dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow.

Shaqaalaha wasaaradda horumarinta Ruushka, oo ka shaqaynayay daarta dheer ee la weeraray, ayaa hadda loo sheegay inay ka shaqeeyaan gurigooda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa loo yaqaanaa IQ quarter, kaasoo ay ku yaallaan wasaaradda horumarinta dhaqaalaha, wasaaradda Tiknoloojiyadda iyo wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga. Wejiga muraayadda dhismaha ayaa burbur soo gaaray, balse lama soo sheegin wax dhaawac ah.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid “Weerar Argagixiso ah” oo laga soo qaaday dalka Ukraine. Kyiv inta badan wax faallo ah kama soo bixiso weerarradan oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker