Israel oo ganafka ku dhufatay Dhex-dhexaadintii Qatar ee xabad-joojinta Qasa

Hay’adda Warbaahinta Israel ayaa waxaa laga soo xigtay inay Israel ka biyo diiday Shuruudaha isku sidkan ee XJJ magaalladda Qasa iyo Sii-daynta Tobaneeyo La-haystayaal.

Israel ayaa waxay soo jeedisay in marka hore Shuruud la’aan la sii daayo La-haystayaasha, ka hor Wada-xaajoodka Xabbad-Joojinta KMG ee magaallada Qasa.

Hadalka Israel ayaa soo baxay wax yar kadib, markii ay Dhexdhexaadiyaasha Dowladda Qatar  ku dhawaaqeen in horumar laga sameeyey qorshe Xabbad-Joojin 3 maalin ah oo laga hirgeliyo magaalladda Qasa ee ay colaadaha halakeeyeen, si loo sii daayo 12 La-hayste oo kala-bar Maraykan ah.

Ilo ku dhow Xarakada Islaamiga ee XAMAAS waxay soo dhaweeyeen Dhexdhexaadintaasi, iyagoo soo bandhigay Sii-daynta Tobaneeyo La-haystayaal oo lagu bedelanayo XJJ 3 maalin ka tisqaada magaalladda  Qasa.

Dowladaha Qatar iyo Masar waxay kaalin muhiim ah kaga jiraan xal-u-helista Dagaalka XAMAAS iyo Israel, Xabbad-Joojinta Aadminimo ee Qasa iyo sii-daynta La-haystayaasha ay  labada dhinac kala haystaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker