Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Kulan Ugu Yeedhay Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka

KU: GUDDOOMIYAYAASHA LABADA XISBI MUCAARAD EE WADDANI IYO UCID =HARGEYSA=
UJEEDO:- WAGELIN ISKU IMAATIN
Tixraaca warqadda summadeedu tahay TIX/WADANI/UCID/05/22, kuna taariikhaysan 07/08/2022, ayna ku saxeexan yihin labada guddoomiye xisbi mucaarad, ujeedadeduna tahay war-gelinta dib-u-bilaabidda bannaan-baxyada badbaada Somaliland ee xisbiyada mucaaridka ah.
Sidaa darteed, si aan uga wada hadalno arrimaha ku xusan qoraalkiina si waafaqsan xeerarka dalka, waxaan idinku war-gelinayaa in aan isugu nimaadno kulan deg-deg ah maalinta salaasada ee taariikhdu tahay 9/8/2022, 10:00 subaxnimo, xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
ALLAA MAHAD LEH
MAXAMED KAAHIN AXMED
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker