Falastiin iyo Israa’iil oo Gaadhay Heshiis Xabad Joojin
Qaahira: Falastiiniyiinta iyo Israa’iil oo gaadhay heshiis xabbad-joojin ah

QAAHIRA – Dalka Masar ayaa gacan ka geystay inay heshiis xabbad-joojin ah gaadhaan, Israaโiil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey uu dagaal ku dhex marayey marinka Gaza kaas oo la isu adeegsaday hubka culus. Xabbad-joojintu waxay bilaabantay 11:30 habeenimo waqtiga maxaliga ah (2030 GMT).
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen heshiiska xabbad joojinta ah, kaas oo soo afjari doona dagaalkii ugu xumaa oo muddo sannad ah ka dhaca marinka Gaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 31 qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israaโiil, oo ay ku jiraan lix carruur ah, halka Israaโiil ay sheegtay in aysan masโuul ka ahayn ugu yaraan sagaal ka mid ah dhimashada.
Dagaalka haatan dhexmaray labada dhinac ayaa billowday ka dib markii ay Israaโiil xidhay todobaadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Jihaad Islam, iyo sidoo kale dil loo geystay 17 jir Falastiini ah.
Associated Press