Raiisul Wasaaraha Ethipia oo ka Hadlay Rabshado Diimeed oo Dalkiisa Ka Dhacay

Addis Ababa (OWN) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Cambaareeyey Rabshadaha diineed ee dalkaas kadib markii weeraro lagu qaaday dhowr masaajid oo ku yaalla Gobolka Amxaarada.

 

Warbaahinta dowladda ku xdhan ee Fana ayaa Sabtidii werisay in dhowr masjid la weeraray, sidoo kalena hanti lagu burburiyey magaalada Mota, oo 350km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

 

“Isku dayada ay xagjiriinta ku donayaan inay ku buburiyaan Taariikhdeenna hodonka Ah  ee ku dhisan  isku dul-qaadka diimeed iyo wadajirka, wax kaalin ah kuma laha Itoobiyada cusub,” ayuu Abiy Ahmed ku yidhi bayaan lagu soo qoray barihiisa facebook iyo twitter.

“Waan Caamberynayaa ficillada fuleynimada ah, waxaana ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiya ee nabadda jecel inay adeegsadaan

 

 

garashadeenna qotada dheer ee wada jirka iyo is-xushmeynta.

Radio Fana waxay sidoo kale sheegtay in hal kaniisad la weeraray.

 

Ma cadda xilliga ay dhaceen rabashadahan, waxa sababay, cidda ka dambeysay, iyo haddii ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Saraakiisha gobolka Amxaarada Itoobiya weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan.

 

Inkasta oo rabshadaha qowmiyadaha ku saleysan ay jireen tan iyo markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed, ayaa kuwii u dambeeyey waxay u muuqdeen kuwa ku saleysan diin.

 

Rabashado bishii October ka dhacay gobolka Oromia ayaa lagu dilay 80 qof, waxaana la weeraray masaajido iyo kaniisado halkaas ku yaalla.

Masulimiinta Itoobiya ayaa ah 40% guud ahaan shacabka, sida lagu sheegay tirakoobkii dowladda ee 2007.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker