Xukumadda Somaliland oo Ka Hadashay Daandaansi ay Puntland sheegtay Inay ka Wado Somaliland.
Xukuumadda JSL oo ka hadashay Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Sool oo gaadhay magaalada Boocaame. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland, sidoo kale bogaadiyey maamulka gobolka Sool iyo ciidamada Qaranka ee gaadhay magaalada Boocaame.
“Dawladda JSL marna inay xuduud kale iyo dawlad kale faro galin ku samayso diyaar uma aha, hadallada xanafta leh waxba ka odhan maayo, waxaan xaqiijinayaa in maamulka gobolka Sool iyo Ciidamadu gaadheen degmo ka tirsan gobolka Sool. Qolada Puntland oo hadallo ka maqlayey waxay kala garan waayeen soo dhawayntii jiibta iyo jaanta iyo xabbada, Dawladda JSL way ku qasban tahay meel kasta oo shacabkeedu ugu yeedhaan inay tagto, dadka deegaanka amaan badan ayaannu u ahaynaa.