Maxaa ka khaldan ragga Oodweyne ku dhashey 1960kii ka dib.? Q-1aad

Waxaan ahay nin ku leh XASABO iyo dad ay qaraabo yihiin oo reer oodweyne ah muddo dheer oo xataa ku arooreysa siddeetanaadkii ama 1982—1988kii ku noqnoqanayey deegamadaas weliba magaaladan oodweyne. Waxaan heley inaan aad u dhuuxo oo aqoon durugsan u yeesho dhaqanka iyo dabeecadaha u gaarka ah deegaankaas oo dad badani aaney waxba kala socon waxyaabo u gaar ah dadkaas.

Taariikhiyan oodweyne waxaan oday ka sheekee ku maqley in casrigiisii dahabiga ahaa uu ahaa 1930kii iyo wixii ka horreeyey oo uu ahaa meel ay raad weyn ku lahaayeen saldanaddii beesha GARXEJIS sheikh-isaxaaq oo markii hore isku jirtey oo oodweyne looga talin jirey taasoo u noqoneysa waqti ku ogog leh 1810—1880 tanaadkii taasoo labo qaybood loo qaybiyey waqtiyadii danbe markii Garxejis degsiimadiisu dhul weyn ku fiddey ilaa ceerigaabo ilaa galbeedka Somaliland iyo xataa dhulkan loo yaqaan kililka shanaad ee soomaalida itoobiya. Waa waqtiyada ay xarunta u ahayd Saldanadda faca weyn ee Guuleed Suldaan, Suldaan Nuur Ahmed ammaan, Guuleed Xaaji, Suldaan Diiriye Sugulle oo ahaa suldaankii u horreeyey ee soomaaliyeed ee dadkiisa xeer iyo distoor u sameeya kaasoo ilaa maanta raadkiisii kasii muuqdo qaab dhismeedka beesha SICIID GARXEJIS ee loo aqoon ogyahay HABARYOONIS. Waxaa kaloo casri dahabi ah u ahaa waqtiyadii ay degeen dadkii carbeed ee ganacsatada ahaa ee ka sameystey dukaamada 1890-1940kii waqtiyadaas oo kacdoonadii gumeysi diidkuna arlada soomaaliland si xawli ah uga socdeen, tusaale ahaan magaalada LAAN-MULLAAXO ee xuduudka ku taalla oo Oodweyne laga xukumo waxay ahayd xaruntii Xisbullaahigii oo ilaa manta aad ku arki karto AASAARTII XISBIGAAS gobanimodoonka ahaa. Sheeko iyo magacyo la tiriyo kagama geyoon karno inta qof magac leh deegaankaas kasoo baxay haddey tahay xagga dhaqanka iyo xaggii waxbarashada oo ay ku taalley xarun facweyn oo waxbarasho oo gumeystihii ingiriisku ka dhisey dugsiyo ku yaalley deegaankaas welina wax kasii jiraan aasaartoodii.

Waxaan la hilmaami karin raadkii colimada diinta islaamka oo xarumo waaweyn ku oolli jireen sida deegaanka XAAXI iyo deegaanka beerato oo xarun u ahayd sheekhul beledkii Sheekh Maxamed Carab. Magaalada caynkaas ahi waa sidee manta?, dadka dhaxlay ee waqtiyadii ka danbeeyey burburkii soomaaliya ama ka dib 1991kii waa dad caynkee ah?, waa maxay waxa oodweyne oo ah gobolka labaad ee ugu dhulka weyn soomaaliland marka laga yimaaddo sanaag ka reebay waddanka intiisa kale?.

Suaalahaas ayanu isku deyi doonnaa inaan kaga jawaabno qormooyinka soo socda insha,allaahu ee la socosho hagaagsan…

 

Murbadle Maradheere.

faraska1988@gmail.com
Lasoco….

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker