Daminta Guri Daara oo ku Yaalla Degmada Gacan Libaax oo Ciidanka Dab-demiska Caasiamda Hargeysa Ku Guuleysteen

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dab ka kacay Guri Daara ku taalla xaafada Niyuu Hargeysa gaar ahaan Sariibada Nasiye ee Degmada Gacan Libaax Magaalada Hargeysa.
Dabkan ayaan sababin khasaare nafeed iyo dhaawac toona, balse waa jiray khasaare hantiyeed, waxaana dabkan sababay ama gubay ilmo yar oo guriga dhex joogay.

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay gurigaasi, sidoo kalena dabkaas ka xakameeyay inuu ku fido xaafadaha kale ee ka agdhwaa gurigaas, waxaana hawlgalkan hogaaminayay Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska Qaranka.

Maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka ee Degmadaas ayaa iyaguna Qayb ka ahaa Hawlgalkaas.
Ugu dambayn Hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday Guul, waxana ciidanku ku guuleysteen daminta dabkaas.

Xafiiska Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha
Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL
Hargeysa/Somaliland.
Somalilandfire@gmail.com
Somalilandfire/Twiter/instgram/youtube/
Warbaahinta ciidanka dabdemiska/facebook

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker