Maammulka Puntland Oo Sanaag-bari Kabilaabay Dardar-gelinta Maammul fidinta Iyo Hawlgallo Ciidan + Sawirro
Badhan(OWN) Muddooyinkan ugu danbeeyeyba waxa degaannada kala duwan ee Sanaag-bari kagasoo qulqulayey dhinaca Puntlan wufuud isugu jirta mid dhaqan, mid maammul iyo mid ciidan, waxana magaalooyinka gudohooda gaar ahaan magaalada Badhan laga bilaabay socodsiinta cashuuraha kala duwan ee Puntland taasoo loo adeegsanayo ciidammo boliiska Puntland oo halkaas la keenay iyo weliba dhallinyaro tiro badan oo waqtigan degaankaas loo ciidammeeyey.
Waxana hawlaha maammul fidinta iyo dardar-gelinta ciidammada kala duwan kasokow degaankaas ka jira shirar ay isugu imanayaan waxgaradka iyo siyaasiyiin kazoo jeeda beelaha Sanaag-bari kuwaasoo kusaabsan sidii beelahaasi uga tashan lahaayeen midnimo ay mustaqbalkooda siyaasadeed iyo kan degaannadoodaba ugu meel marin lahaayeen. Waxana laga filayaa shir ballaadhan maalmahan soo socda inuu ka furmi doono gudaha magaalada Badhan.
Dhinaca kalena waxa maalmahanba maammulka Puntland ku qulqulayey saraakiil iyo ciidammo tiro badan oo kazoo goosanayey Somaliland, halka wararka qaarkoodna sheegayaan in degaannada Sanaag-bari intooda badan xilligan ay gacanta ku hayaan maammulka Puntland, iyadoo magaalooyin badan oo degaannadaas ka tirsanna ay yimaaddeen ciidammada Puntland, taasoo u muuqata xiisad hor leh oo soo kala dhex gashay beelaha Sanaag-bari iyo Somaliland.
Oodweynenews.com/Badhan.