Khasaaraha Ka dhashay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goordhow ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, sida ay goobjoogeyaal inoo xaqiijiyeen.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la gelayo ayaa waxaa lala beegsaday gaari Cabdi-bile ah oo la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada Militeriga Soomaaliya oo xilligaasi wadada marayay.

Ugu yaraan laba ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay Goobjoogeyaal u xaqiijiyeen KNN.

Mana jiro khasaare soo gaaray Gaariga iyo Askarta ka tirsan Militeriga Soomaaliya.

Hay’addaha Ammaanka weli faah-faahin rasmi ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa khasaare kala duwan ka dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker