Cudurka Furuq-Daanyeerka oo markii ugu horreysay lagu arkay Suudaan

Suudaan ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Furuq-Daanyeerka.

Qofka laga helay cudurka ayaa ah ardey 16 jir ah oo kasoo jeeda gobolka Darfur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday in cudurka Furuq-Daanyeerka uu yahay dhibaato caalami ah oo deg deg ah.

In ka badan 21,000 qof ayaa laga helay cudurka guud ahaan caalamka, sida laga soo xigtay xarunta Mareykanka ee ka hortagga cudurrada faafa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker