Xukuumada Somaliland Oo Sharci Darro Ku Tilmamaay Xilka Qaadistii Guddoomiyihii Barlamaanka Puntland
Xukuumada Somaliland ayaa Sharci Darro Ku Tilmamaay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay Guddoomiyihii Barlamaanka Puntland Dhoobo-Daareed.
Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland, Salebaan Cali Koore oo maanta warbaahinta dalka ay wax ka waydiisay sida ay ka Somaliland ahaan u arkaan, xilka qaadistii gudoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay Dhoobo-Daareed.
Sidoo kale, wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, isla markaana xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u aqoonsatay qof Somalilander ah.
โWaxaan u aragnaa kolay arinkay sheeganayeen inaanay marin iyo ida dastuurkoodu qorayo,cidi meesha fadhidayna aan sidii sharciga ahayd loo marin.waa war guud waxana u aragna inuu sifo sharci daro u dhacday, Dhoobo waa nin reer Soomaliland ah, waxana jeecelanahay inuu isaga oo Somaliland aaminsan uu yimaado, sababta oo ah waa dadka aan u sheegaynay in Somaliland ay la wada leeyahay ay tahay.โayuu yiri wasiir Salebaan Cali Koore .
Ugu dambeyn, wasiir Salebaan Cali Koore ayaa u mahadnaqay dadka degan bariga Somaliland ee ka gilgilshay sida loola dhaqmay guddoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland, Dhoobo-Daareed oo hadda ku sugan Xiin-Galool.