Weerar Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyey Oo ka Dhacay London.(Sawiro)
Booliiska Britain ayaa sheegay inay Nin mindi ku Hubeysan ku Toogteen Koonfurta magaalada London, iyagoo Weerarkan ku sifeeyey fal Argagixisnimo.
Waxay sheegeen in ninkan uu ugu yaraan laba qof ku weeraray mindi kuwaasoo ku Sugnaa wado aad u mashquul badan oo ku taal Degmada Streatham.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in nin watay abley ama mindi uu galay dukaan ka dibna uu dad ku weeraray.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay dukaankii Isla markaana uu banaanka ku Weeraray Haweenay Baaskeelad wadatay.halkaasna uu ku Tooriyeeyay ka hor intii aan laga hortagin.
Dhawaaqa Rasaaseed ayaa la maqlay, iyadoo Booliisku ay sheegayaan in hadda xaaladda gacanta lagu hayo, waxaana weli iska soo daba dhacaya faahfaahinta weerarkan.