Muranka Daymeed ee u dhexeeya Ganacsade Ahmed Geelle iyo Baanka (BCIMR) oo wali Cakiran

Jabouti (OWN)Dabayaqadi bishi hore bankiga BCIMR ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda GSK iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ah milkiilaha shirkadda dacwadda laga gudbiyay.

Markii ay soo baxday arrintan waxaa maxkamadda Jabuuti ay warqad u dirtay Axmed Geelle, madaama uu yahay muwaadin reer Jabuuti ah, si dalkiisa loogu dhageysto dacwaddiisa isagana uu isku diifaco.

Markii uu warqaadda helay ganacsade Axmed waxa uu sheegay in lasoo jaray waaran lagu soo qabanayo isaga taas oo dhalisay khilaaf xooggan.

Dhanka kale bankiga ayaa waxa uu sheegay inay arrintan tahay mid quseysa bankiga iyo shirkada GSK oo aysan wax siyaasad ah ku lug lahayn.

Af-hayeenka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo dhawaan shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay in ay jirto dacwad loo haysto ganacsade Axmed Geelle, oo ka fiuran Soomaaliland gudaheeda.

  1. Afhayeenka SoomaalilandLahaanshaha sawirka.
Image captionAfhayeenka Soomaaliland

“Waxaa jirtay dayn lacageed oo shirkadda GSK ee uu madaxda ka yahay ganacsade Axmed Geelle ay ka qaadatay bangiga faransiisku u leeyahay lacag gaadhaysa 20 milyan, isaga oo ah muwaadin Jabuutiyaan ah, lacagtan ayuu u qaatay in uu ku maalgashado dhismihii shirkadda Coca Cola ee magaalada Hargeysa, lacagtan ayaa ahayd mid uu Axmed ku qaatay in uu si hafto ah isaga bixiyo taasina maysan dhicin, mudo yar ka dib waxaa bilaabmay safarro ay Hargeysa ku yimaadeen wafti ka socday bangiga Faransiiska iyo safriirka Faransiiska ee dalka Kenya, dhamaan waxay wadeen dacwada la xariirta deynta ka maqan, ilaa markii danbe dacwadan la soo marsiiyay wasaaradda arimaha dibadda Somaliland, waxaa loo xil saaray mas’uuliyiin si dacwadan loogu qaado Somaliland, halka uu bangigan qabsaday looyar Somaliland ah”, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Af-hayeenka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Hantida muranka ka dhashay

Bankiga Beesa-eemer-BCIMR ayaa milkiilaha shirkada GSK Axmed Cismaan Geelle ku edeeyay inuu ku guul dareystay bixinta lacagtii deynta ahayd ee bankigaasi uu amaahiyay.

Mas’uuliyiinta Bankiga ayaa sheegay in dacwad u dhexeyso iyaga iyo shirkada GSK ee ganacsade Axmed la buunbuuniyay.

Bankigaas oo sheeganaya 20 milyan oo dollar, oo uu sheegay inuu ka amaahday Ganacsade Geelle.

Hase yeeshee, , wuxuu bangigu ganacsadaha rahan ahaan uga heystay Hanti Lagu Qiyaaso 25 milyan oo doolar.

Ilaa 90% ka mid ah hantida uu leeyahay ganacsadahan ayaa la sheegay inay taallo dalka Jabuuti.

Dhanka kale eedaymaha waxaa iska fogeeyey ganacsade Axmad Cismaan Geelle.

Si ay BBC-da wax uga ogaato arrimahaasi ayaa waxa ay la xirriirtay agaasimaha guud ee bankigaasi waxa uuna sheegay in arrinkan uu yahay mid aan ku salaysnayn siyaasad ayna tahay mid u dhaxeyso ganacsadaha iyo bankiga oo kaliye.

Waxa uuna sidoo kale ku daray in ganacsadaha uu lacagta ku qaatay isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti shirkadihiisana ay ka diwaan gishanyihiin Jabuuti ayna dacwad u gudbiyeen maxkamadda Jabuuti ku taalla.

Dacwad taas lamid ah ayey sidoo kale u gudbiyeen maxkamadda jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Afhayeen u hadlay ganacsade Axmad Cusmaan Geele ayaa waxa uu sheegay in hanti badan oo ka taallay Jabuuti si khasab ah looga faramaroojistay.

Si aan waxa uga ogaanno eedeymahaasi waxa ay BBC la xirriirtay Ramis oo ah maamulaha ku meel gaarka ah ee shirkadda GSK, waxa uuna eedeymahaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah waxa uuna yiri.

“Ka dib warar xaqiiqda ka fog oo warbaahinta lagu shaaciyey waxaa muhiim noqotay inaan halkan ka xaqiijinno xaqiiqada jirta, iyada oo uu maqanyahay mulkiilaha, shirkadda GSK iyo shirkadaha hoos taga waxay ku jiraan howl gaabis ah oo halis gelin karta jiritaankooda, iyadoo laga duulayo nidaamka sharci ee dalka ka jira GSK iyo dhammaan shirkadaha kale ee hoos taga waxaa maamulkooda la hoos geeyey maamul ku meel gaar ah kaas oo ah kuwa madaxbannaan oo gudan doono howlaha shaqo ee GSK.”

Muwaadinimada ganacsade Geelle

Jinsiyadda dalka Jabuuti ayaa lagu qaadan karaa laba arrin.

Haddii uu qofka ku dhashay Jabuuti wuxuu noqonaya muwaadin u dhashay dalka iyo tan labaad oo ah in maamulka ay ku siiyaan dhalasho.

Ganacsade Axmed Geelle ayaa la sheegay inuu heysto 2 dhalashoLahaanshaha sawirka.
Image captionGanacsade Axmed Geelle ayaa la sheegay inuu heysto 2 dhalasho

Marka qof kasta oo jinsiyadda Jabuuti haysta waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin dalka xuquuq ku leh.

Laakiin muwaadinnamada ganacsade Axmad Cismaan Geelle ayaa waxaa ka dhasahay muran.

Ganacsadahan ayaa heysta labo dhalasho oo kala duwan.

Sharci ahaan waxaa u bannaan inuu qaato laba jinsi kana hirgelin karo Jabuuti.

Kala qeybsanaanta

Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxa ka hadlay xisbiyada siyaasada iyo qeybaha kale ee bulshada oo dhaleycen u soo jeedinaya dowlada Jabuuti iyo qoyska madaxweynaha.

Balse dowlada Jabuuti iyo xisbiyada dalkaas wali kama hadal arrintan.

BBC-da ayaa la xirirtay masuuliyin dowlada Jabuuti ka tirsan, hase ahaatee way ka gabsaden inay ka jawaabaan dhaleeceynta Soomaaliland.

War saxaafadeed uu oo saaray ganacsade Axmed Geelle oo ka saabsan muranka kala dhaxeeya dalka Jabuuti, wuxuu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb galka dhankiisa dacwadan sidii loo maarayn lahaa, ganacsadahan ayaa sheegay in dhankiisa ay ka maqan tahay hanti kabadan mida lagu sheeganayo.

Arrintan ayaa muran baahsan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliland, waxaana soo baxaya dhaliilo laysku marinayo warbaahinta, iyadoo aan wali xal laga gaarin habka loo wajahayo qaadista dacwaddan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker