“Ergeyga Dalka Finland Ee Waddamadda Geeska Afrika Saxaafaddeenu Miyaanay Fahamsanayn Xilkiisa, Mise . “

Amp Kaysar Maxamed Cabdilaahi Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Ku Dalka Ingiriiska, Ayaa Sharaxaad Dheeriya Ka Bixiyey Darajadda Iyo Xilka Uu Huwan Yahay Ergeyga Dalka Finland Ee Waddamadda Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Said Ahmed Oo Muddooyinkii U Dambeeyey Ku Sugnaa JSL Oo Uu Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeddo.

Ambassador Kaysar Maxamed Cabdilaahi, Ayaa Qoraal Uu Saxaafadda Madax-banaan Ee Reer Somaliland Iyo Dhammaan-ba Shacabka Reer Somaliland Si U Fahansiiyo Darajadda Iyo Xilka Uu Huwan Yahay Ergeyga Dalka Finland Ee Waddamadda Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Said Ahmed Ka Qoray, Waxaanu MUJAAHID Ambassador Kaysar Maxamed Cabdilaahi Qoraalkiisa Ku Yidhi Siddan “Ergeyga Dalka Finland Ee Waddamadda Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Said Ahmed Saxaafaddeenu Miyaanay fahamsanayn Xilkiisa iyo Dawladda Uu Metelo.

Ergayga ma waxay u haystaan inuu yahay Muwaadin caadi ah oo Reer Sugule Caynaashe ah oo Hargeysa dhex jooga.

Xildhibaan Suldaan Xilkan uu hayo waa Xil aad u sarreeya, waxaana xilkan uu hayo soo qabtay oo uga horreeyay laba qof oo kaliya oo imika mid uu yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland ee imika xilka haya, masuulka kale ee Xilkan soo qabtay isna imika waa Danjiraha Dalka Finland u fadhiya Xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Xildhibaan Suldaan oo aan dhawaan kula kulmay Xarunta Baarlamanka ee Dalka Finland waa Xidig soo kacaya oo mustaqbal weyn ku yeelan doona Dalka Finland iyo Midowga Yurub.

Saxaafadeena waxaa ku waajib ah inay kala gartaan Shaqada ama Xilka uu qofku hayo ama asal ahaan cida uu ku abtirsado oo ah laba kala duwan.

Xildhibaan Suldaan waa sax inuu Somaliland u dhashay oo uu wanaageeda iyo horumarkeeda jecel yahay, balse isagu wuxuu metelaa Dalkiisa oo ka mid ah Wadamada dunida ee aan Somaliland aqoonsanayn “.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker