Maamulka Laascaanood Oo Ka Warbixiyey Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Dooxadda Ooda-gooye

Maayarka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cabdicasiis Maxamed Xuseen Taarwale ayaa shaaciyey inay xalay 11kii habeenimo ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dab qabsaday Dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.

 

Maayarka Laascaanood oo la hadley  Warbaahinta ayaa waxaa uu u mahadceliyey Maamulka degmada, ka gobolka, Ciidammada Ammaanka iyo shacbiga Laascaanood oo ka qaybgalay gurmadkii lagu bakhtiiyey dab shalay iyo xalay saddex jeer ka kacay dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.

 

Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu intaas ku daray in ciidammada ammaanku ay baadhayaan sababtii uu dabku u qabsaday dooxadaas oo baaxadeedu dherer tahay 20km, waxaanu u mahadceliyey shacbiga iyo laamaha dawladda Gobolka Sool oo aan u kala hadhin damintii dabkaasi.

 

Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxaa uu u mahadceliyey Warbaahinta kala duwan ee Somaliland,isagoo ku Bogaadiyey  kaalintii weynayd ee ay ka Qaateen  wacyigelinta bulshada reer Laascaanood ee gurmedka Dabkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker