Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax gaadhi ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybo kamid ah Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

 

Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xidhay gaadhi nooca Raaxada ah,isla markaana waxaa uu ku qarxay xili uu mararay Nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi.

 

Warar aan helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaadhay Haweeney laamiga dhinaciis goob ganacsi ku laheyd,waxaana loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamo Booliska ah oo xiliga uu qaraxa dhacayay ka Agdhawaa Saldhiga Degmada Waabari ayaa tegay,kuwaasi oo haatan goobta ka wada baaritaano,iyagoona xiray Aaga uu falkaas ka dhacay.

 

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Black Sea ayaa waxaa shalay ka dhacay qarax Khasaaro geystay,waxaana ku dhintay laba qofย  oo shacab ahaa,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker