Alshabaab oo Shaacisay Raggii Fuliyay Weerarkii Xerada Maraykanka ee Bariga Kenya

Muqdisho (OWN) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay magacyada iyo muuqaallada raggii fuliyey weerarkii 5-tii Jannuary ee  2020 lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay ee dalka Kenya.

 

Ragga ay magacyadooda iyo muuqaalladooda baahiyeen Shabaabku ayaa kala ah :-

1 – Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir), hoggaamiyihii kooxda una dhashay dalka Yeman.
2 – 
Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania.

 

3 – Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir), oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kana soo jeeda qabiilka Burj, balse ku dhahsay kuna barbaaray magaalada Nairobi.

 

4 – Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo , oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, islamarkaana ahaa taliye ku-xigeenkii kooxda weerarka fulisay.

 

5 – Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari), oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

 

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay codka amiirka xarakada Al-Shabaab Axmad Cumar Abu Cubayda oo uu kaga hadlay weerarkaas. Lama shaacin taariikhda la duubay codkaas.

 

Abu Cubayda ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay dhalinyarradan weerarka ku qaaday saldhigga Manda Bay, isagoo ku maanay inay tusaale yihiin dhalinyarrada kale, sida uu hadalka u dhigay.

 

Weerark Manda Bay  waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo isugu jiray laba qandaraasle iyo askari ka tirsan ciidamada Mareykanka. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo Mareykan ah.

 

Kadib weeerarka dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay shan dagaal-yahan oo ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday islamarkaana la qabtay shan kale

Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania
Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir),
Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari), oo labadaba Soomaali ah

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker