Saalaad Roob Doon Ah Ayaa Laga Tukaday Magaalada Laascaanood
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa maanta laga Tukadey Salaad Roon-doon ah, ka dib abaaro muddo ka jiray deegaanada kala duwan ee gobolka Sool.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta laga tukaday sallaad roob-doon ah, kaddib markii abaar baahsan iyo biyo yaraani ay soo wajahday dadka iyo duunyad ku dhaqan gobolkaasi.
Salaaddaas ayaa waxa lagu tukaday masalaha galbeed ee magaaladaas, waxaana ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulsahda ku nool degmadaas iyo masβuuliyiinta gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood.
Isu duwaha wasaaradda diinta iyo aw qaafta ee gobolka Sool Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Axmed ayaa bulshada ku nool magaalada Laascaanood u soo jeediyay in ay Alle ka cabsiga badiyaan kuna ducaystaan in Alle abaaraha ka soo jabiyo, waxaana uu ugu baaqay in dadku ay is wada cafiyaan, isla markaana ay isku uur samaadaan.