Dilalkii ka dhacay Muqdisho oo dad kala duwan loo soo qabtay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dilal maanta oo Jimco ah ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda, kuwaasi oo loo geystay dad shacab ahaa iyo ciidan.

Dilkii ugu horeeyay ee maanta dhacay ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu, dilkii xigay ayaa waxaa xarunta Jaamacadda Soomaaliya UNSIO qeybta Baar Ubax loogu geystay Hooyo Aamino Xuseen Xasan, halka dilkii Saddexaad ciidan ka tirsan dowladda ay u geysteen marxuum Dayax Iimaan Xasan Jiirow, kaasi oo ka dhacay suuqa Seybiyaano.

 

Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inay Saddex askari oo uu ku jiro midkii riday Dhashiikaha u soo qabteen dilkii loo geystay Dayax, wuxuu kaloo sheegay in ciidanka ammaanka ay dilka marxuumad Aamino u soo qabteen ciidankii ilaalada ka hayay Jaamacadda, macalinka xiisada bixinayay iyo eedeysanayaal kale.

General Bariise ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka booliska ay soo qabteen raggii ka dambeeyay dilkii loo geystay Axmed Dowlo oo shalay xaafada Towfiiq lagu dilay, kadibna la gubay, isaga oo sidoo kale tilmaamay dhammaan dadka la soo qabtay inay ku socdaan baaritaan.

 

“Waxaan soo qab qabanay dhawr xubnood oo baaris ay ku socoto dhammaan dadkan la soo qabtay waxaa lala xiriirinayaa dilal ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha ammaanka oo jawaab deg deg ah ka bixiyay falalkan”. Ayuu yiri Gen. Bariise.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha baxay tan iyo markii uu madaxweynaha Hirshabeelle uu sheegay inaan la isku haleyn karin ammaanka Muqdisho, waxaana Muqdisho lagu dilay dad kala duwan oo shacab iyo ciidan isugu jira.

Gen. Bariise.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker