Daawo Haweenay Sheegtay Inuu Kufsadday Milkiilaha Shirkedda Beenyadda Ee Asli Maydi.
Anjanette DeCarlo, oo ah saynisyahanad PhD ah, Ayaa Mulkiilaha Shirkedda Beeyadda ee Asli Maydi Mr. Barkhad Xasan ku eedaysay in uu Kufsi u gaystay.
Waxay sheegtay in ay cilmi baadhis ka wadday Somaliland, Iyaddoo wakhtigaasi oo ahayd 2018kii ay Barkhad la kulantay isaga oo usoo bandhigay in ay shirkaddiisa la fuliso mashruucaas cilmi baadhista ah, balse ugu dambayn uu ku kufsaday qol uu qasab ku galiyay.
Haweenaydan ayaa sidan u sheegtay Channelka Vice News oo laga leeyahay dalka Maraykanka.
Vice News ayaa sidoo kale barnaamijka ay ku wareysatay haweenaydan kusoo bandhigtay qodobo kale oo ay kamid ahaayeen; In Barkhad uu lunsaday dhaqaale Hay’adda doTTERRA ugu soo dhiibtay dadka Beeyada beerta, dhaqaalahaasi oo loogu talogalay in dadkaasi loo siiyo Cunto, Caafimaad iyo Waxbarasho.
Halkan hoose ka daawo warbixintaas oo dhan