Wadamada Sudaan, Masar iyo Ethiopia oo Ku kala Kacay Wada Xaajoodkii Biyo xidheenka

Dowladaha Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa ku guuldarraystay inay heshiis ku gadhaan wadahadalladoodii cusbaa ee ay diiradda ku saarayeen xal ka gaadhista muranka sanad jirsaday ee ka dhashay biyo xidheenka Ethiopia.

Ay ka dhisayso wabiga Blue Nile, sida ay Arbacadii sheegeen mas’uuliyIin ka tirsan sadaxdaasi dal ee wabiga uu maro.

 

 

Dhamaadkii bishii October ayay sii Ambaqaadeen wada_xaajoodkooda iyagoo ku shiray khadka laysku arko ee Zoom-ka waxyana kaga hadlayeen isla arrinkan ee xal gaadhista qulqulatooyinka ee ku aaddan mashruuca biya xidheenka.

 

 

Madaxaweyne Trump ayaa horey u sheegay in Egypt ay xaq u leedahay inay qarxiso mashruuca biyo xidheenka, taas oo Masar ay ku tilmaantay halis jirta, iyadoo hadalkaasi uu ka caysiiyay dowladda Ethiopia.

 

 

Wasiirrada arrimaha Debadda ee dalalkaasi sadaxda ah oo todobaadkii hore kulmay ayaa guddiyo quburro ah oo ay iska soo saareen u wakiishay inay ka wadaxaajoodaan islamarkaana ay uga heshiiyaan arrimaha ay isku hayaan.

 

 

Laakiin khilaafkooda ayaa halkiisa kasii socday iyadoo kulankoodii Arbacaduna  uu guuldarro kusoo idlaaday sida uu sheegay Mohammed el-Sebaei oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

 

 

Dowladda Ethiopia ayaa hore u sheegtay inaysan joojin doonin dhismaha biyo xiidheenka oo khilaafka dhaliyay iyadoo tilmaantay inaysan dhaqaala ahaan uga maarmin mushruucaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker