Faransiiska Oo U yeedhay Safiirkoodii U Fadjiyay Turkiga

Madaxwaynaha Faransiiska Emanuel Macrone ayaa U yeedhay Safiirkiisii Ankara ee Xarunta Turkiga ,Waxaanuu Sheegay Macrone inuu Uga Golleeyahay inuu La Tashi la Sameeyo Safiirka.

 

Tan ayaa Daba Socotay ka Dib Markii Maalintii Shalay uu Madaxwayne Ordagan Ku Ganay dhiggiisa faransiiska Edaymo Quudhsi U muuqday.

 

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baadhitaan dhanka maskaxda ah,

 

Kadib markii uu Hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

 

 

Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin Dhigi jiray Taariikhda uu qoorta Ka midnka mid Ardaydiisii.

 

Kadibna  Markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah.

 

 

Mas’uul u hadlay Faransiiska ayaa sheegay in Erdogan uu “u dhaqmay si aan la aqbali karin oo xushmad darra ah.”

 

 

Labada Hogaamiye ee dalalkoodu ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh.

 

Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray Shakhsiyadda Macron.

 

 

Madaxweyne Erdogan ayaa ka cadhooday in qaar kamid ah dhismayaasha dowladaha hoose ee Faransiiska lagu soo bandhigay sawir gacmeedkii macallinka loo dilay, xilli xus loo samaynayay Arbacadii.

Erdogan ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baadhitaan maskaxda ah.

 

 

Waxa uu sidoo kale dhaliilay hadal uu Macron jeediyay ka hor dilkaasi oo ahaa in “Diinta Islaamka ay dhibaato xooggan wajahayso caalamka oo dhan.”

 

 

Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, isla markaana gaaraya 10% tirada shacabka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu geeska gelinayo diintooda, hadalladiisana ay qiil siin karaan kuwa Islaamka neceb.

 

 

Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaadhay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco Alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker