Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Shir Degdega Ugu Baaqay Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika Si Looga Arrinsaddo Dagaaladda ETHIOPIA.

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni, Ayaa Hogaamiyeyaasha Bariga Qaaradda Afrika ugu baaqay Inay 16-ka Bishan November ay Isugu Yimaaddaan Shir Degdega Looga arrinsannayo Xaaladda Dalka Ethiopia Ee Ay colaaddaha Iyo dhibaatooyinka qalafsani ka Taagan Yihiin Wakhti Xaadirkan.

Baaqa Madaxweyne Yuweri Musaveni, Ayaa Waxa Shaaca ka Qaaday sarkaal Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Dalka Uganda. Kasoo Sheegay Inuu Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Musaveni Uu dalbadday Kulan Degdeg ah Oo Ay Hogaamiyeyaasha Bariga Qaaradda Afrika Ay Isugu Yimaaddaan 16-ka Bishan November Si Looga arrinsaddo dagaaladda Iyo qul-qulatooyin Ka Taagan Dalka ETHIOPIA.

Dalka ETHIOPIA, Ayaa Waxa Ka Socda Dagaalo ba’an Oo U Dhexeeya Dawladda ETHIOPIA Ee Uu Hogaamiyo Raysal-wasaare Abiya Axmed Iyo Jabhaddo Is Gaashaan buuraystay Oo Dagaalo Adag Kula jira Xukuumaddiisa.
Dagaaladdan Dalka ETHIOPIA Oo Dhowr Sanno Jirsadday, Ayaa Waxa Hormood u ah jabhadda Tigreyga Ee TPLF, kuwaasoo dhibaato Adag Oo Dhanka Bina’aadanimadda ah Ku Yeeshay Nolosha Inta Badan Dadka Shacabka Ee dirirtu dushoodda Ka Socoto Sannadaha Badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker