Dhacdo Naxdin Badan Oo Ka Dhacday Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa,

Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Xoghayaha Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Si Adag Uga Hadlay Dhaawac Shalay Kasoo Gaadhay mid Ka Mid Ah Ciyaartoy, Wakhti Ay Shalay Ku Wadda Ciyaarayeen Garoonka Kubadda Cagta Ee Caasimadda Hargeysa Laba Kooxood Oo Ka Wadda Tirsan Kooxaha Heerka Kowaad Ee Caasimadda Hargeysa.

Xoghaye Tadhase, Ayaa Masuuliyiinta kala Duwan Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ee JSL Aad Ugu Dhaliilay in Aanay Xil Weyn Iska Saarin Masuuliyadda Ka Saaran Adeeg-yadda Kala Duwan Ee Lagu Daryeellayo Ciyaartoyga Kala Duwan Ee Ku Ciyaaraya Garoonnadda Kala Duwan Ee Kubadda Cagta, Isla-markaana Aanay Garoonka Caasimadda keenin Gaadiidka Gurmadka Degdega Ah Ee Caafimaadka (Ambalaas), Iyaddoo Xoghaye Tadhase Uu Caddeeyey In Inankaa Dhalinyaradda Ah Ee Ku Dhaawacmay Ciyaartan Shalay La Waayey Gaadhi Lagu Gaadhsiiyo Xaruumaha Caafimaadka Si Gurmad Caafimaad Loogu Fiddiyo. Xoghaye Yuusuf Tadhase, Ayaa Madaxweynaha Somaliland Ugu Baaqay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ee Ka Baaqsadday geynta Adeeg-yadda Aasaasiga Ee Looga Baahan Yahay Garoonka Kubadda Cagta Ee Caasimadda Hargeysa.

Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Oo Dhacdaddan Shalay Ka Dhacday Garoonka Kubadda Cagta Ee Caasimadda Hargeysa, Wuxuu Yidhi Siddan “Tannina waa dhacdo kale oo xanuun leh oo ka dhacday maalintii Shalay Hargeysa Stadium, kulankii u dhaxeeyay labada naaddi ee Wasaaradda Ganacsigga iyo Baanka ee Horyaalka heerka koowaad ee Caasimadda.

Sidani maaha wax loo dulqaadan karo in maalin walba dhallinyarteeni sidaas u dayacan yihiin oo ay u baaxa-dagayaan, waana masuuliyaddii iyo shaqaddii Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta.

Wiilka sidaas loo dul tuban yahay xaalkiisu wuu adkaa, waxaanu u baahnaa addeeg caafimaad oo degdega ah (Ambulance), nasiib-darro ma joogo garoonka gaadhi caafimaadka ciyaartoyda u qaabilsan si loogula cararo Cisbitaaladda.

Wasaaradda Ciyaaraha oo iyadu uruursata lacagta maalin kasta garoonka lagu galo, garasho la’aan kama aha inay kafaalo qaado addegyada caafimaad ee garoonadda, laakiin waa ka hagrasho iyo hanti uruursi, masuuliyiinta ugu sareeyaana maaha kuwo ku haboon inay dhallinyara intaas wax ka baddan u sii shaqeeyaan.

Madaxweynaha waxaanu ugu baaqayna inuu la xisaabtamo Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, iyada oo aynu ognahay Miisaaniyadda Wasaaradda in haddana ay tahli kari waayaan in addeeg caafimaad ay keenaan garoomadda.

Ugu dambeyntii, Xisbigga WADDANI waxa uu ka digaya in xaalku hadduu sidan ku socdo ay ka cabsi qabaan in dhallinyarada naftoodu ay halis ku jirto, ka Xisbi ahaana aanu diyaar u nahay inaanu hawshan wax ka qabano haddii aanay wax ka qaban Wasaaradda ay shaqadeeda tahay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker