Weerar Xalay lagu Qaaday Guriga Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro
Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Hargeysa ayaa xalay abaaro saddex-dii habeenimo weerar ku qaaday gurriga Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro,waxaana la sheegay in laba gaadhi oo kuwa booliska ahi ay si toos ah u hujuumeen gurriga Musharrax Cirro.
illaalada Musharrax Ciro iyo ciidanka booliska ayaa waxa dhex-martay is rasaasayn cabaar socota,taas oo ร an la sheegay illaa hadda inuu wax khasaare ahi uu ka dhashay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka booliska oo ku saabsan weerarkan,balse waxa la sheegay in isku daygan ay fashiliyeen illaalada Musharrax Cirro.
Dhanka kalena khamiista toddobaadkii hore ayaa la arkey muuqaal la baahiyey kaas oo muujinayey laba gaadhi oo ciidanka booliska Somaliland ay leeyihiin, kuwaas oo la isku dayey in la jiidhsiiyo Musharrax Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga,Musharrax ku-xigeenka Xisbiga iyo masuuliyiin kale,waxaana xusid muddan in Musharrax Cirro oo ka hadlay baabuurtaas uu sheegay in weerarkaas la doonnayey in lagu khaarajiyo isaga iyo madax-da kale ,haseyeeshee Xukumadda Biixi ayaa iyadu ka muquuratay inay ka haddasho.
Si kastaba ha-ahaatee weerarkan xalay la sheegay inay ciidanka booliska ku qadeen gurriga Musharrax Cirro ayaan si dhab ah loo oggeyn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa.