Xisbiga Waddani oo ka Hadlay Muwaadin Ay Ciidamada Booliska Xiniinyaha Ka Garaaceen kadibna

Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme, Ayaa Ka Hadlay Xadhiga Muwaadinka Magaciisu Yahay Maxamed Cali Oo La Xidhay 9-kii June, Isla-markaana Ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ay Siidaysay 16-kii June.

Muwaadin Maxamed Cali, Ayaa Wali Xidhan Isagoo Dhaawac Qaba. Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme, Ayaa Isagoo Ka Hadlaya Xadhigiisa Iyo Dhaawaca Uu Qabo, Waxaa Uu Yidhi “16 Juun 2022 ayaa Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex sii deysay, waxaana la xidhay 9 Juun 2022. waxaan ku arkay Xeer ilaalinta gudaheeda 16 bisha subaxaa oo la keenay Maxabiistii Mucaaridka, wuxuu xidhnaa Macawis xiniintana gacantuu ku siday iyadoo bararka aanad la eegi karin, Saldhiga waxa lagu hayay 7 Maalmood oo aan la geyn Cusbitaal, haddi gargaar Caafimad loo fidin lahaa waa la badbaadin karaayey xiniinta Maxamed Cali, waxa lagu jidh dilay Bannaanbixii Khamiistii dhacay, kiiskani waa masiib weyn oo Caddaaladna u baahan!”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker