Maxaad ka Ogtahay gabadhii ugu horreysay ee noqota Duqa Baledweyne?

Maamulka Hirshabelle ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyay oo qof dumar ah u doorta xilka duqa magaalada Baladweyne.

Xilkaasi waxaa loo doortay Safia Xassan Sheikh, waxaa ayna xilka kala wareegtay Khadar Xassan Afrax oo ahaa duqii hore ee magaalada Baladweyne.

Waa Markii ugu horreysay ee inta la ogyahay Taariikhda Beledweyne ay Duqa magaalada noqoto qof dumar ah

 

Maxaa lagu xushay?

Safiyo Xassan Sheikh oo BBC-da uga warantay sababta loogu xushay xilkan ayaa sheegtay inay horay xilal badan uga qabatay degmooyin ayna qabatay howlo badan oo ku saabsan arrimaha bulshada.

“Intii aan xilkan la ii magacaabin waxaan ka soo shaqayn jiray degma Shibis ee maamulka magaalada Muqdisho muddo laba sano ah, arrimo bulsho Ayaan ka shaqayn jiray sida caafimaadka, amniga iyo nadaafadda, waxa kale ee aan ka qabtay gaarna ii ahaa ayaa ah in gaadiidka adeega degdega aan ka howl gelinnay gudaha degmada iyo adeegya kale oo aan ku howl jirnay inaan samayno.” Ayey tiri Safiyo Xassan Sheikh.

Magaalooyinka ay Soomaalida degta ayaanan inta badan lagu arkin ama aan loo dhiibin dumarka xilka magaalooyinka taasi oo ah arrin naadir ah.

Waa markii ugu horreysay ee ay gabadh qabato xilka duqa degmada Beledweyne, sidee se ayey Safiyo u aragtaa arrinkan, ” Isbadelka waa loo baahanyahay, Jabuuti waxaa xilka magaalada haya qof haweenay ah marka waxay ilatahay gabdhaha wax tarkooda in hadda la dareemay.” Ayey tiri.

Safiya ayaa sheegtay inay ku dhalatay magaalada Muqdiso balse ay ka soo jeedo magaalada Beledweyne aysanna filaynin inay caqabad ka kulmayso xil cusub ee loo magacaabay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker