Dhegayso: Maxaa sababay in Abwaan Sangub Lagu Aasi waayo Magaalada Muqdisho , laguna Aaso Jigjiga

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uu ka tagay 23 carruur ah iyo laba xaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey guddi u saartay in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Sahra Cabdi Axmed uga warramay aaska iyo waxa bedelay qorshahoodii ahaa in abwaanka Muqdisho aas qaran loogu sameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker