BAAHIDA DAlKA HAYSA (SHAQO ABUUR) qormadii 3 baad

Sida aynu kaga soo hadalnay qormadii labaad waxaynu is dultaagnay sida ugu haboon ee shaqo loo abuuri karo, inagoo ka soo waranay noocyada shaqo ee dalka iyo dadku u baahan yihiin,
Qormadeenan oo ah tii sadexaad waxaynu kaga hadli doonaa noocyada warshadaha yaryar ama dhexe ee aynu u baahanay si dhalinyaradu shaqo fiican ugu helaan islamarkaasna heerka shaqo yaraantu hoos ugu dhaco, hadaba waxaynu soo qaadanaynaa warshadaha dalkeena u sahlaaya arimahan aan kor kusoo sheegay inkastoo ay fiican tahay in shicib iyo dawladba waxwadayeelashadu fiican tahay, sababtoo ah si shaqsi ah qofka way ku adagtay inuu warshadaha qaar iibsadaaa iyadoo ay jirto baahidii loo qabay,
Markaa waxaan soo jeedinayaa wax wada lahaanshaha oo ah arinta aynu kaga baxayno shaqo la.aanta da.yarteena haysata waxaan kaloo muhiima in laynoo sameeyo xeerka kala xadaynta ganacsiga sababtuna tahay qof maalgashi sameeyey oo la arkay inuu wixii sii shaqeeyey ayay soomalidu agtiisa ka furayaan taasi waxay noqonaysaa ka qish waana xaaraan duhur joogta warshadahaas waxaa kow ka ah
warshada daqiiqda oo hada la wado waanan ku faraxsanay mashruuceedu haduu guulaysto wuxuu noqonayaa mid laga helo shaqo abuur fiican, waxsoosaar dalka iyo dal ku haynta lacag badan oo dibada dalka uga bixi jirtay oo la soo siin jiray daqiiqda waxaa ka sahqo gali kara qiyaas ahaan shaqaale badan oo beerista qamadiga iyo shaqaalaha warshada, waa horumar loo baahan yahay
warshada sibidhka uma baahnin inay intan ka badan inagasii xirnaato warshadani inagoo joogna wakhti casri ah, qalabkasta iyo maalgalina waxaan soo jeedinayaa inaynu u guntano, wadooyinkeena waxaa jajabiyey baabuurta waaweyn ee sibidhka kazoo qaada dalka aynu jaarka nahay, waxaan ku darayaa intaas in shirkadaha iyo ganacsadataa waaweyni arinkaas loo gacan galiyo share dadka laga siiyo,
warshada sameeya furniture-ka xafiisyada iyo guryaha ee aynu ka keensano turkey iyo chine, iyana waa nooc shaqo abuur oo shaqaale badani ka shaqo gali karaan,
warshadii qasacadaynaayey waxaa beeraha ka soo go.a sida liinta, canbaha,tabaandhada, qajiga
waxan aan ka sheekaynayaa maaha wax aan la samayn Karin waa wax la samayn karo oo lacagta badan ee aynu guryaha dhaadheer ku dhisayno ayaynu ku gadan lahayn
mayla socotaan boowe/baayo
horaa loo sii soconayaa ilaa,,,

 

C/SAMED XASAN HIRAD
BBA
PG IN ISLAMIC BANKING & FINANCE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker