Hadalhaynta Wali Socota Ee Ka Dhashey Kulannadii Dhex Marey Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa Dhawaan Caasimada Hargeysa, Kulan Kula Yeeshay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirkii hore, ee Madaxtooyadda Xukuumaddii, Madaxweyne Siilaanyo.

Kulankaas, oo ahaa Mid aan aheyn Kulan Furan, laakiin ahaa mid aan Ka Madhnayn Arimo la Xidhiidha Mustaqbal Siyaasadeed iyo odoroskooda, iyo Walibana Islaab-xaadhasho Siyaasadeed, oo Gaadhsiisan Marka Labadooda laga Taggo Xukuumadda uu Maxamed Kaahin Wasiirka u yahey, oo Maxamuud Xaashi, Wax badan Ka tirsanayey ilaa Madaxweynaha haseyeeshee, loo balamey in gogol Xaadh badan Kadib, Mar Kale Fadhiyo Dambe la isugu Yimaado.
Inkastoo, ay jiraan Dareeno badan oo Kulanka Labadan Siyaasi Ka dhashey, haddana Waxaa hadalhaynta Kulankooda Loo qaadey, dhinacyada Arinsiga Beeleed, si La isaga Soo dhawaado intii hore, iyo Sakatigii u Dhexeeyay iyo Mid, Ku xidhiidhsan damacyadii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee Lagu Kala Fogaaday.
Sikasta, oo ay arintu Tahey, Wali Waxa Ka socda Gudaha Caasimada Hargeysa, Kulamo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland la yeelanayo Siyaasiyiin Xukuumadda Ka Tirsan iyo Kuwa ay Kuwada Socdeen Beel ahaan taas, oo Nuxurkeedu dabada ku hayo, inn Wasiirku dhabaha u Xaadho Waxkabadelka habdhaqankiisii hore ee Siyaasiyiinta, beeshiisa ee ay Xisbiga Kulmiye kawada Tirsanaayeen, Kala Qeybisay iyo Arimo badan oo Turxaan bixinta dhacdooyinkii Afarta Sano ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Ku Xidhiidhsanaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker