Puntland Oo Sanaag-bari Kaqoraysa Ciidammo Dawladda Soomaaliya Kamushahar qaadanaya iyo Degaanno Xeebaha Sanaag oo Khalkhal nabadgelyo ciidammadaasi ka abuureen

Boossaaso(OWN) Maammul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland ayaa degaannada Badhan, Hadaaftimo iyo Yubbe oo katirsan Sanaag-bari waxay ka bilaabeen qorista ciidammo ka mushahar qaadan doona Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale fadhiisinno xeebaha Sanaag ah oo ciidammadan la dejin doono.

 

Ciidammadan ayaa sida wararka soo ifbaxayaa sheegayaan waxa ujeeddada qoristooda ka danbaysa loo sibirsaarayaa inay salka ku hayso hirgelinta heshiisyo kalluumaysi oo dhowaan dawladda Somaaliya la gashay shirkado waaweyn oo kalluumaysi oo tiro badan, shirkadahaasi oo ka kalluumaysan doona badaha waaweyn ee Soomaaliya.

 

Waxa kaloo wararku intaas kusii darayaan inay jiraan goobo katisan xeebaha waqooyi ee gobolka Sanaag oo Puntland iyo Somaaliya doonayaan in ciidammadaas la dejiyo oo ay fadhiisinno ka samaystaan si ay uga ilaaliyaan ammaanka maraakiibta kalluumaysi ee shirkadahaasi.

 

Dhinaca kalena degaanka Waqderiya ee xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag ayaa lasoo sheegayaa in uu kajiro khalkhal xagga nabadgelyada oo u dhexeeya bulshada degaankaas iyo qaar kamid ah ciidammadan oo Puntland geysey halkaas si ay fadhiisin uga dhigtaan.

 

Waxa iyaduna xusid mudan in siyaasiyiin kasoo jeeda Sanaag-bari oo kusugan magaalada Hargeysa uuna kamid yahay Ex-wasiiru-dawle Axmed Maxamuud Nuur Jibriil ay arrintan warbaahinta kaga hadleenn  kuna eedeeyeen Puntland.

 

Sikastaba ha ahaatee maammulka Puntland ayaa wuxu u muuqdaa si uu dhaqaale uga helo mid had iyo jeer qori horaad u ah fulinta siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya.

Oodweynenews.com/Boossaaso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker