Dawladda Itoobiya Oo Siidaynaysa in kabadan 4000 Maxaabiis Ah Si Looga Hortago Faafinta Cudurka Coronavirus

Iyadoo caalamku dadaal balaadhan ugu jiro la dagaallanka iyo kahortaga cudurka sida aad ka ah ugu faafay dunida ee Coronavirus ayaa waddamo badan oo caalamka ahi bilaabeen sii daynta maxaabiista ku xidhan jeelasha.

Gobolka ugu dadka badan Jarmalka, North-Rhine Westphalia, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu siidaynayo 1,000 maxbuus oo ku dhow dhamaadka xukunkooda.

 

Waddanka Canada tiro gaadhaysa 1000 maxbuus oo ku nool gobolka Ontario ayaa la siidaayay usbuucii hore. Halka Gobolka New Jersey ee Mareykanka uu qorsheynayo inuu si kumeel gaar ah u sii daayo ku dhawaad ​​1,000 maxaabiis ah.

Iiraan ayaa iyadu ah waddanka tirada maxaabiista ee ugu badan sii daayay waxaanay gaadhayaan in ku dhaw ​​70,000 oo maxbuus si ay ula dagaallanto ku faafidda coronavirus ee xabsiyada.

 

Waddamada Ethiopia iyo Sudan ayaa iyaguna sii daynaya maxaabiis gaadhaya 4000 midkiiba.

Ugu dambayntii qaramada midoobay waxay ku dhiirigalinayaan waddamada kale inay sii daayaan maxaabiista ku xidhan jeelasha si loo yareeyo faafitaanka jeelasha ee cudurka Coronavirus.

 

Xigasho: CGTN Africa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker