Kenya oo sheegtay inay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ee dalkaasi

asiirka difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay ammaanka dalkaasi, gaar ahaan ahaan weerarada Al-Shabaab ee gobolka Waqooyi Bari.

Aadan Barre ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii ka dhici jiray gobolkaas oo xuduud laleh Soomaaliya, isla markaana ay ku timid wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay xoojiyaan nabad-gelyadooda iyo wada shaqeynta ay haatan la leeyihiin booliska dalka Kenya.

Kenya ayaa dhowaan adkeysay amniga dalkeeda, si ay uga hortegto weerarada Al-Shabaab, waxayna ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka Soomaaliya

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jira Al-Shabaab, waxayna ciidamadeeda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker