San-saan Colaadeed Oo Ka Alloosan Gabeedka Dalka Iyo Oday Dhaqameedka Awdal Oo Eedo Ujeediyey Madaxweyne Biixi

”.Hadii la is leeyahay wey baqayaan Maanta Raggani SNM Waxaanu Ku Dagaalamaynay Wajaale Afar Sanadood, Waa La Is Yaqaanaa….” Cumar Samriye Kaahin
Boorama () Odayaal Dhaqameed iyo wax-garad kasoo jeeda Degmada Dilla iyo guud ahaanba gobolka Awdal, ayaa ka digey dad ay sheegeen in lagu deegaamaynayo Banka Wajeele,iyahoo ku eedeeyey inay Xukuumadda Madaxweyne Biixi dabad ka riixayso.
 Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka oo war-baahinta kula haddley magaalada Boorama, ayaa waxay digniino culus u direen Xukuumadda Madaxweyne Biixi , iyaygoo sheegay in la isku dili doona oo ay dagaal ka xigeen in Beerahooda la siiyo dad kale oo deegaano kale laga soo daad gureeyey, waa sida ay haddalka u dhigeene.
Waxa odayaasha haddalkoodii kamid ahaa kuwan:-” haddii cid looogu sharciyeynayo oo cid lagu maal-gelinayo dadkii lahaa ayaa u xaq leh,ee meesha ku dhashay ayaa u xaq leh, lakiin in dad meel kale iyo gobolada kale laga keenay lagu sharciyeeyo oo la dejiyo ma ogalin,haddii ay noqto in sifo sharci nah loo eego waxa u xaq leh dadka-yagii laga gedbay,ayaa in lagu sharciyeeyo xaq u leh, nin kale ma yeeli karno, waxaanu leenahay waxaanu wax ku rabnaa nabad-gelyo sifo sharci ah ayaanu wax ku rabnaa dagaal ma wadno,lakiin siday wax ahaan jireen iyo sida wax noqon-doonaan inay Dowlada ka fikirto ayaa fiican,waanan u imanaynaa dowlada,annagoo si nada aha iyo si sharaf leh waxa u wadna, waxna tilmamayna xuquuqdayadana sheegayna, haddii nabarkii la demqay waxaan jecelnahay inay Dowlada bogsiiso,kolay ganacsi ayaa ka dambeeya xubanaa ka dambeeya waxaanu aragnay meelo silig ku xidhanyahay oo rag lagu meeleeyey, ma noqonayso Beertii anniga laga qaaday in Nin kale la siiyo, waxaanu leenahay dowladu halkaa dib ha uga noqoto,yaan cadaadin iyo calool xumo meesha soo gelin dowlada somaliland aad ayaanu u aaminsanay,lakiin shacbiga somaliland badhna gal-daloolo yar ayaanu siinaynaa badhna waanu cadaadinaynaa ma noqonayso.,” Ayuu Yidhi Mid kamid Ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.
Dhanka kalene waxa isna halkaasi ka haddley Caaqil kamid cuqaasha gobolka Awdal, waxaanu ku hanjabay inay dagaal ka xigeen in Banka Wajaale la siiyo cid kale oo aan iyag ahayn, isagoo ku dooday inuu dhulkaasi yahay Beerahoodii ay Dowlada ka qaatay, waxaana  ku bilaabay haddalkiisa sidan:-”Annigoo Magacayga la yidhaah Caaqil Yusuf halkan maanta waxaanu iskugu nimadnay mashruucii Tog-wajaale oo nalaga Gedbay oo uu gedebka u dameeyey ahaa markii labada nin lagu diley,Jibriil Abokor Banka intii ay lahayeen hore ayey u qateenoo lagama gedbin inta la gedbay intayadii ayey ahayd,waxa weeye inay sidii u gedbanaato oo aanu annagu tusha ka eegano oo aanu is nidhaah dowlada ayaa idiin haysa aanu nidhaahno iyo in annaga Beerahayagii ayaa ku yaalee nalagu soo wareejiyo beerahayagii ayaa ku yaalee mooyaane noqon mayso in aan cid aan annaga ahayn lagu wareejiyo yeeli mayno dagaal iyo dhiig ayaanu ka xignaa,nabad-gelyada cid walba waa u dan weliba waxay u dantahay cida iminka wax ku haysatee Kursiga ku fadhida, aamusnaantayada  macaan aalo sonkor in aanu noqonay ayaan la moodin waxbaanu dhawraynaa, lakiin bankaa reerkii lahaa badhkoodii qaateen intayadii ayaa  haddana cid kale oo meel kale laga keenay la siinayaa,yeeli mayno dhiig ayaa ku daadan.” Ayuu Yidhi Caaqil Yusuf
Geesta kalena waxa isna halkaasi ka haddlay oday Cumar Samriye Kaahin waxaanu ku bilaabay haddalkiisa Somaliland waxa lagu dhisay halkan Boorama  Caaqilku waa raggii Jiibka ku wareejinayey guddidii meesha la iskugu keenay ee shanta Boqol ahayd,nabad-gelyadeed ayuu ka shaqaynayey wakhtigaa, maantana wuxuu ka xanaaqay wax lala yimi oo meesha ool , ilaahow arrinkaa mashruuca haka dhigii kii ay Somaliland ku burburilahayd,lakiin waxaan sheegayaa isaaqa Beesha dhexe waxay ka dagaalantay cadaalad darro,anagu dowladii ayaanu ku hadhnay “soomaaliya’ horta waxaanu jecelnahay calanka, maantana sidii ayaany tan u jecelnahay,balse jacaylkii aanu jeclayn haddii wax walba nala mariyo socon mayso. Ayuu yidhi Cumar Samriye.
Waxaanu intaasi ku soo daray isagoo haddalkiisa sii wasata:-‘Arrinkaa mashruuca Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka labada gole iyo dad weynaha Somaliland ee na daawanaya si aad ah wax halooga qabto,haddii aan wax laga qaban, mar haddii dad aan la garanayn dhulkayagii la siiyey oo loo qaybiyey,dee wax wanaagsani meesha ka iman maayo raalina kuma noqonayno, Haddii la is leeyahaywey maanta raggani wey baqayaan SNM waxaanu dagaalamaynay afar sanadood Wajaale waa la is yaqaanaa dagaal ma doonayno,dagaal waan ka meeraysanaynaa Somaliland waan jecelnahay.. Ayuu yidhi Oday Cumar Samriye Kaahin
Oday Cumar Samriye Kaahin ayaa carabka ku dhuftay in cadaal;ad daradii ay ka dagaalantay SNM ay haysto cadaalad daradii oo kale oo ay wax ka tirsanayaan Xukuumadda Cusub ee Madaxweyne Biixi ”Waar waxaanu u sheegaynaa Somaliland  waar dhulkayagii marka loo qaybiyo dad ee siciihii aanu ka foofinay magaalo cad lasoo celiyo ee lagu horjoogsatdo banaanka marnaba nabadi ka dhicimayso,shalay waxaad ka qaxday adba cadaalad darro.”Ayuu kusoo koobay haddalkiisa..
cabdi saxafi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker