Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalada Ka Socda Dalka Ukraine

Dagaalo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka ayaa ka socda duleedka magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine iyo sidoo kale magaalooyin kale oo kuyaala dalkaasi.

Ciidamada Ruushka ayey ku adkaatay in ay gudaha u galaan magaalada Kyiv , waxa ayna ciidamada la kulmayaan iska caabin uga imaaneysa ciidanka Ukraine oo kaabayaan shacab hubka qaatay.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo gantaalo yaala banaanka magaalada Kyiv ayaa duqeymo culus ku garaacaya bartilmaameedyo iyo goobo kale oo caasimadda kuyaalla, waxaa sidoo kale socda dagaalo toos ah oo labada ciidan dhax maraya.

Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa difaac adag kaga jira magaalada Kyiv , waxa ayna ciidamadan wacad ku mareen in ay dalkooda difaaciisa u dhiman doonaan.

Milatariga Ruushka ayaana isku dayaya in ay helaan xeelado cusub ay ku jabiyaan ciidamada kasoo horjeeda, waxa ayna xoojiyeen duqeymaha ay ku garaacayaan goobo milatari iyo xarumo kale oo dowladeed.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka iyo duqeymaha ka socda dalka Ukraine, waxaana dadka dhintay ku jira dad shacab ah oo goobo ay ku sugnaayeen gantaalo lagu garaacay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker