Ciidamada Booliska oo Gacanta ku Dhigay Gacan ku Dhiigle Dil Gaystay

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Abshir Saleebaan Xuseen ina Aamina ibraahim 17Jir oo ku eedaysan ina uu dilay Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar Ina ifraax Budul 23jir Abbaaro 8:30 kii Habeenimo Xalay , Kuna dilay Middi xaafadda Sheekh Cumar.

Dedaal dheer iyo hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanaha Magaalada Wajaale iyo Gabilay dhexdooda halkaasi oo uu doonaayo ina uu ka talaabo xadka Somaliland iyo DDS. Haddana waxuu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska.

Dhanka kale Ciidanka Boolisku ayaa gacanta kusoo dhigay 4Afar Eedaysane oo ninkaa dilka gaystay la socday kuna Eedaysan ina ay gacan siiyeen , Waxaanay kala yahiin 1-Cabdiraxmaan Farxaan Xasan Ina Shukri Ismaaciil 20jir ,
2- Xamse Cabdilaahi Maxamed ina Farxiya Yuusuf 18jir ,
3-Sayid Cabdiraxmaan Axmed Ina Saynab Axmed 20Jir ,
4-Mustafe Cabdilaahi Xuseen ina Safiya Kamadiid 21jir

Ciidanka Boolisku waxuu dhammaantood degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi .

Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta nabadgalyada in uu gacan bir ah ku qaban doono sharcigana horgayn doono.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker