Xukumadda Somaliland oo Kulan La Qaadatay Shirkadah Korantada

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu saaka xafiiskiisa ku qabtay kulan ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen shirkadaha bixiya adeega laydhka iyo masuuliyiinta Koomishanka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa daarnaa sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay qiimaha lacagta ee ay kordhiyeen shirkadaha Laydhka, kaasoo bulshadu ka horyimaadeen qiimaha ku kordhay ee laydhka.
Dood dheer ka dib waxaa la isla qaatay in maalinta Sabtida ah Hadii Alle Idmo khilaafkan lagu soo afjari doono kulan ka qabsoomi doona Hoolka Wasaaradda Arimaha Gudaha, kaasoo ay ka soo qayb geli doonaan Komishanka Tamarta, Wasaaradda Macdanta, Shirkadaha bixiya adeega laydh iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, inta ka horaysana maalinta sabtida ah aanu dhaqan gal ahayn go’aankii ay shirkada laydhku ku kordhiyeen qiimaha Laydhka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker