Dagaallo culus oo ka socda Khartuum iyo Darfur

Iska horimaadyo, rasaas iyo duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay caasimadda Suudaan Axaddii shalay, iyadoo dagaal u dhexeeya kooxaha millatari ee iska soo horjeeda oo ay ku barakaceen 2.5 milyan oo qof, isla markaana sababay dhibaato bini’aadanimo uu galay todobaadkii 11-aad.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen rabshadaha maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Nyala oo ah magaalada ugu weyn galbeedka gobolka Darfur.

Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii qeylo dhaan kasoo saartay beegsiga qowmiyadeed iyo dilka dadka ka soo jeeda beesha Masalit ee ku nool El Geneina ee Galbeedka Darfur.

Caasimadda Khartoum iyo El Geneina ayaa waxaa si xun u saameeyay dagaalkii 15-kii April dhex maray ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ee, inkastoo todobaadkii hore ay xiisado iyo iska horimaadyo ka dhaceen qaybo kale oo ka tirsan Darfur iyo koonfurta Kordofan.

Dagaallada ayaa sii xoogeystay tan iyo markii heshiisyo xabbad-joojin ah oo xiriir ah oo lagu heshiiyey wadahadallo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka dhacay Jeddah ay fashilmeen.

Wadahadallada ayaa la hakiyay toddobaadkii hore.

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker