Isku Aadka Koobka Caraboa oo La soo Saaray, iyo Xiisaha Kooxaha isku Beegmay

Waxaa Xalay  la qabtay isku aadka wareega afar dhamaadka koobka Carabao Cup iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso badan.

 

Kooxaha xafiiltanka weyn uu ka dhaxeeyo ee Manchester United iyo Manchester City ayaa la isku aadiyay semi-finalka Carabao Cup.

 

United waxay caawa ka soo talaabsatay Everton halka City ay xalay soo dardartay Arsenal, waxayana labadaan kooxood ku balansan yihiin Old Trafford bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

 

Kulanka kale ee semi-finalka waxa uu u dhaxeeyaa kooxda Tottenham oo caawa ka soo gudubtay Stoke City iyo kooxda yar ee Brentford oo iyadana xalay soo garaacday Newcastle.

 

Semi-finalka Carabao Cup ayaa noqday labo derby, kan hore oo ah Manchester Derby iyo kan labaad oo ah London Derby:

 

Kulanka Manchester Derby waxa uu ka dhacayaa garoonka Old Trafford 4ta bisha Janaayo, waana kulan hal lug ah.

 

Semi-finalka Carabao Cup:

Man United vs Man City

Tottenham vs Brentford.

Semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa bisha Jannuary, halka finalka oo markii hore ku jadwaleysnaa dhamaadka bisha February.

 

Dib loo dhigay ilaa iyo dhamaadka April iyadoo rajo laga qabo in waqtigaas taageerayaal loo ogolaado garoonka Wembley.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker