Boqor Buurmadaw Oo Ku Fashilmay Doorashada Soomaaliya kadibna Eedeeyey Madaxda Dawladda
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ay hareero taagnaayeen Guddoomiyihii Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay in ay faraha kala baxeen Doorashada Dalka.
Buur-Madow waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Xafiiskiisa waxaana uu ku eedeeyay in ay si gaar ah u maamulanayaan Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.