Xukumadda Somaliland oo Ka Hadashay Dagaal Maanta Ka Dhacay Laascaanood.

Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.

Xukuumadda Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker