Midowga Yurub oo ku baaqay in ciidamada Eretariya ay ka baxaan gobolka Tigray

Golaha Midowga Yurub (EU) ayaa xoojiyay baaqii dowladda Mareykanka ee ku aaddanaa in ciidamada dalka Eretariya ay ka baxaan gobolka Tigray eek a tirsan waddanka dariska la ah ee Itoobiya.

Warka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in joogitaanka militariga Eretariya uu sii hurinayo colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Dowladaha Itoobiya iyo Eretariya labaduba waxay horay u beeniyeen eedeymaha la xiriira in ciidamada Eretariya ay ku sugan yihiin Tigray, laakiin inkiraaddooda waxay mararka qaar ka iskhilaafayeen hadallo ay jeedinayeen saraakiil ka tirsan isla dowladda Itoobiya.

Bayaanka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in goluhu ‘uu aad uga walaacsan yahay mudiibada bani’aadannimo ee ka taagan’ gobolka Tigray, waxayna dowladda Itoobiya ku boorriyeen in ay si aan xaddidneyn u fasaxdo howlaha gurmadka bani’aadannimo, sidoo kalena ay ilaaliso dadka rayidka ah iyo qaxootiga.

Wasiirka Warfaafinta ee Eretariya, Yemane G. Meskel, oo ka jawaabayay warka kasoo baxay Golaha reer Yurub, ayaa hadalkooda ku tilmaamay “wax laga naxo marka la eego qodobbada aasaasiga u ah.”

Dhanka kale, hayadda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee NRC, oo laga leeyahay Norway, ayaa sheegtay in la gubay dhismeyaal iyo xarumo ay ugu talo gashay inay ku bixiso gargaarka bani’aadannimo.

Hayadda ayaa sheegtay in Sawirro uu qaaday qalabka Satellite-ka ay muujinayaan in waxyeelladaas ay dhacday intii u dhaxeysay 5-tii ilaa 8-dii bishii January, xilligaas oo ah in ka badan 2 bilood kaddib markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday in ay guul ka gaartay dagaalka ayna si buuxda gacanta ugu dhigtay caasimadda gobolka Tigray.

Labo xero oo dhibaatooyin la gaarsiiyay waxay hoy u ahaayeen in ka badan 20 kun oo qaxooti reer Eretariya ah, haddana ma tagi karaan kooxaha gurmadka.

Laanta dowladda Itoobiya qaabilsan qaxootiga ayaa horay u sheegtay in “toogashooyin meelo gaar ah lagu bartilmaameedsaday” iyo “haraadiga xoogagga TPLF oo geysanaya weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah” ay ku adkeeyeen in ay gaaraan labada xero.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu gobolka Tigray ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa xisbiga TPLF.

Adeegyadii bulshada ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo noqonaya gobolka.

Shirkadda isgaarsiinta gobolkaas ee Ethio Telecom ayaa sheegtay in ay dib usoo celisay adeegyadii telefoonnada gacanta iyo kuwa guryaha ee in ka badan 300 oo meelood.

Dhanka kalena, 25 xubnood oo ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa loo fasaxay in ay gudaha u galaan gobolka Tigray, halka 60 kale oo shaqaalaha gargaarka ah ay sugayaan oggolaanshaha dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker