Xildhibaan Yusuf Liibaan Cumar “Aniga La ima xidhin…Rasaasna la iguma Qaban”

Burco (OWN) Xildhibaan Yuusuf Liiban Cumar Cali   oo  ka mida 82 xildhibaan ee  Golaha wakiilada oo la soo xidhiidhay Shabakada Oodweynenews ayaa cadeeyey   inaanu jirin xadhig loo gaystey  isag iyo gaadhigisa   oo ay warbaahinta qaarked qortay arinta  ku saabsan xildhibaan yuusuf liiban cumar cali iyo gaadhigiisa oo lagu qabtay rasaas uu ku hubaynayey 2 beelod ee dhowaan ku  dagaalamay deegankan cee-lafweyn ee Gobolka Sanaag  Ee labadaasi beelod  oo xildhibaanku ka mid ahaa Beel ahaan

Xildhibaanka ayaa isagu arintaasi ku tilmaamay arin been abuura oo aney waxba ka jirin,  ayna dabada ka riixayan shakhsiyaad farakuturisa,  kuwaas oo ku duulan ah bu yidhi sharaftayda masuuliyeded.

Xildhibaan Xaadhay oo hadelkisa sii wata ayaa sheegay inuu hada arinta uu u joogo degmada celefweyn ay tahay isu soo ururinta iyo isu lab xaadhnanta dadka walaha ah ee ku dirirey bu yidhi degmad celefweyn,   arintan oo ah bu yidhi. “mid in badan soo Jaalaabantay ayaan hada ku tala jiraan iney si dhakhsoo ah u so afmeeran anagoo illahay kaashanayna.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegey inuu website-ka lagu Qorey Aney Iska Hubsan Warkan Ay Qoreen Uguna Baaqey iney Iska Hubiyaan Wararka Been Abuurka ah Ee Uu Gudbinayaan Bulshad isagoona welibnaa sheegey  inuu fasaxa soo siiyey gudoomiyaha golaha wakiilada baashe maxamed faarax uuna nuqul ka midi gaadhay xoghayaha Golaha Wakiilada Oo La Xidhiidha Fasaxiisasi .

Ugu danbayn xildhibaanku wuxu sheegay in cidii isku dayday iney sharafta iyo haybada masuuliyiinta qaranku ee ku aadan walaalaynta labadaasi beelood aan u aqoonsan doono ballo abuur umada iska hor keenaya sa”

 

Waraysi khadka Telefoonka ah:

 

Maxamed Siciid Gaaxnuugg

Oodweyne News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker