Dowladdaha Somaliland iyo Dawladd Deegaanka Soomaalida oo ka shiray sicir-bararka maciishadda.
Wafti uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka DDS oo ay wehelinayaan wasiirro heer deegaan ah iyo wasiirro ka socda Somaliland ayaa magaalo xuduudeedka Tog-wajaale ku yeeshay kulan looga arrinsanayay xakameynta sicir-bararka.
Kulankan oo daba socda kulammo bishii April ay yeesheen labada maamul oo lagu sameeyay guddiyo darsa sicir-bararka ayaa intii uu socday saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, balse gabo’gabdii ayay saxaafadda la wadaageen natiijada shirka.
Waxa ayna sheegeen labada dhinac in natiijo fiican laga gaadhay daraasaadkii ay sameeyeen guddiyadii la aas-aasay, hawshuna ay soconayso illaa xal rasmi ah laga gaadho gabi-dhaca sicirka maciishadda iyo sarrifka lacagaha magaalo ganacsiyeedka Wajaale oo saameeyay labada dhinac.