Booliska Kenya oo Facebook U adeegsada Barkulan ay ka Ugaadh_sadaan dembiileyaasha
Booliska Kenya oo Facebook U adeegsada Barkulan ay ka Ugaadh_sadaan dembiileyaasha
Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafad isku raran ah oo danyartu ku nooshahay ayaa shir la isugu yimid oo madashiisu ahayd isla xaafaddaa ka sheegey in hurin ka mid ah booliska Kenya ay Facebook u noqday goob ay ka ugaadhsato dhalinyarada ay rumaysanyihiin in ay ka tirsanyihiin kooxaha dembiileyaasha ah oo ay laayaan.
“Laba nin baa la iga dilay sannad gudihii” haweenay da’yar oo ilmaynaysay ilmo yarna sinta ku haysay ayaa sidaa ku tidhi dadkii fadhiyey madashii shirka oo ay isugu yimaadeen dadka degan xaafadda Kayole, ee Nairobi.
Dad kale oo ku dhiirraday in ay madasha ka hadlaaan ayaa dhacdooyin taa la mida sheegay oo ah in ay dhalin yaro eehladooda ah oo 15 – 24 jir ah laga dilay.
Xeer ilaaliyaha guud, saraakiil sarsare oo boolis ah iyo dad u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ka qayb galay shirkaa dhifta ah, waxaanay dhegaysteen sida ay hogaamiyeyaasha bulshadu u faahfaahinayeen sida dhalinyaradaa inay dembiileyaasha yihiin lagu tuhmo tilmaantooda loogu baahiyo bogag Facebook ah oo ay leeyihiin booliska “ugaadhsada dambiileyaashu”.
“Tilmaantooda muuq iyo magacba ayay ku baahiyaan Facebook-ga todobaad ama bil ka dib na way toogtaan, ka dibna sawirada maydkooda ayay Facebook ku baahiyaan” ayuu Wilfred Olal oo ka socday xarunta Caddaaladda Bulshada ee Dandora ka yidhi madasha.
Sawirada maydadka oo mararka qaarkood ay ka muuqato in madaxa laga toogtay oo uu kala dhanbalanyahay iyo maydadka oo uur ku jirta laga saaray, ayaa lagu baahiyaa Facebook oo ay la socdaan qoraallo digniin ah oo sheegaya in dembiileyaasha sidaasi u dambayso.
Muuqaalladaa Facebook-gu shucaac buu ku qariyaa laakiin waxa qofka adeegsanayaa dooran karaa inuu muuqaalka si waadaxa u arko.
Dadka degan Kayole ayaa sheegay in ay jiraan bogag door ah oo qaarkood qof kastaa daalacan karo iyo kuwo u xidhan dad gaara kuwaas oo mar kasta lagu baahiyo sawirradaa laga aragagaxayo.
Duncan Omanga oo ah cilmi baadhe ka tirsan Jaamacadda Moi ee Kenya oo mudo saddex sannadood ah baadhayey bogagaa Facebook-ga ayaa sheegay in boolisku adegsadaan magacyo kale si ay ugu suurto gasho in ay xog ka helaan dadka ay ku dabo jiraan.
Madaxa laanta dembi baadhista Kenya, George Kinoti, oo madasha fadhiyey ayaa ilmeeyey markuu dhegaysaneyey caddaymihii ay dadka Kayole degani soo bandhigayeen, waxaanu madasha ka sheegay in aanu ka war qabin askari boolis ah oo Facebook u adeegsada inuu ka ugaadhsado dadka la tuhunsanyahay.
“Waxaan leeyahay cidina qarin mayso askri boolis ah oo qof dila anoo xilka haya” ayuu yidhi Kinoti.
Hase yeeshee hadalkiisaa waxa ku oroyiey dadkii goobta fadhiyey oo ku qaylinayey “Facebook ayay adeegsadaan iyo xataa Twitter-ka”.

Kulan kaa ka dhacay Kayole waxa agaasimey xafiiska dacwad oogaha guud oo ay dad badan oo u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo kuwa degan xaafaddaasi ku qanciyeen inuu shirkaa qabto.
Cilmi baadhista Omanga waxa lagu ogaaday in celcelis ahaan bishii lix qof oo dembiileyaal lagu tuhunsanyahay la dilo. Faahfaahinta dembiga loo dilay, aagga ay falalkaa ka fuliyaan iyo nooca hubka la rumaysanyahay inay adeegsadaan ayaa lagu baahiyaa bogag kala duwan oo Facebook ah.
Isla mudada intaa leeg inta u dhexaysa 10 ilaa 12 dil oo ay boolisku ku khaarajiyeen dad la tuhunsanaa ayaa lagu baahiyaa boga dad gaara oo keli ahi daalacan karaan oo layidhaa Nairobi Crime Free.
Dallad ay ku midaysanyihiin ururada u dooda xuquuqda aadanaha ee ka shaqeeya xaafadaha kala duwan oo la yidhaa Uhai Wetu ayaa haatan la sameeyey, ujeedaduna ay tahay in ay dedaalkooda mideeyaan si ay wax uga qabtaan dilalkaas.
Waxay si xidhiidha shirkadda Facebook u weydiisteen in ay muuqaalladaa argagaxa leh, ee aan waafaqsanayn xeerarka baahinta shabakaddaa, ka saarto laakiin in kasta oo ay marar badan arintaa isku dayeen hadana kumay guulaysan, sidaana waxa BBC-da u sheegay cilmi baadhe ka tirsan ururkaas.
Warbixin lagu baahiyey warbaahinta Kenya dhawr sannadood ka hor ayaa qiyaastii afar ka mid ah “askarta khaaska ah” ee Nairobi ay ku sheegeen in ay haystaan “ogolaansho ay wax ku dilaan” , ayuu yidhi cilmi baadhuhu.
Olal oo qiraya in falal dembiyeedyadu yihiin dhibaato ka jirta xaafadaha Nairobi, ayaa yidhi arinta aanu ka hadlaynaa waxa weeyi in shaciga si loo simanyahay loo fuliyo.
“Hadii dadka maal qabeenka ahi markay cashuurta xadaan maxkamad la geynayo, dee waa in sidoo kale dhalinyaradaa la tuhmo na la geeyaa si gar cadaalad ah loogu qaado” ayuu yidhi.