DAAWO: Madaxweyne Biixi Iyo Wufuud Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Wada-Hadlay Dagaalka Tuke-Raq Iyo Arrimaha Ay Isla Afgarteen

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wufuud ballaadhan oo ka kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

Wufuuddan oo ay kala hoggaaminayaan ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo, ayaa kulanka ay madaxweynaha la qaateen waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-ku-xigeenka golaha guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana diiradda lagu saarayo arrimo door ah salka ku haya sidii loo dhawri lahaa deggenaanshaha deegaanka TUKARAQ ee bariga Somaliland oo uu dhawaan ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Ciidamo ka socda Soomaaliya iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi dhammaaday waxa uu faah-faahiyey waxyaabihii sida gaarka uga wada-hadleen iyo muhiimadda ay leedahay nabad buuxda oo ka islaaxda deegaanka TUKARAQ, Halkan hoose ka DAAWO

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker