Maraykanka oo Sheegay inuu Hoos u dhac ku Yimid Duqaymihii Dadku ku dhiman jireen

Hoos u dhac la taaban karo oo ku yimid adeegsiga duqeymaha Mareykanka ee lagula dagaalamo Al-Shabaab ee Soomaaliya, ayaa keentay in ay yaraato warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya, sida lagu sheegay warbixin cusub.
Warbixintii ugu dambeysay ee khasaaraha dadka rayidka ah uu soo saaray Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan hal sano iyo ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee 22-kii bishii February.
โ€œSaddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,โ€ ayuu talisku ku yidhi bayaan uu soo saaray.
Weerarkii ugu dambeeyay ee xagga duqaynta ah ayaa dhacay 22-kii bishii Februaryย  ee sannadkan, kaasoo ahaa weerar rogaal celis ah oo ka dhan ahaa kooxda Alshabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwan ah oo ku sugnaa meel fog oo u dhow tuulada Duduble ee gobolka Hiiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker